Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo Firaaq hay’adaha Dawladda.

Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka ee Aqalka Sare horyaala qodobkiisa 11(6) waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha JFS uu ka soo magacaabayo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda Baarlamaanka (50% +1). Haddaba qodobkaan aragtideeyda ma koobayo dhammaan dulduleelada ka dhalan kara magacaabista ra’iisulwasaaraha, qaybaha kale ee hindisahana laguma faahfaahin arrinkaan taasoo keeni karta arrimo la xariira muran iyo is qabqabsi, waxaana ku soo koobi doonaa qodobada soo socda.

1- Firaaq qayb ka mid ah hay’adaha dowladda

Haddii uu xisbina heli waayo (50%+1) laguna guul daraysto in la helo isbahaysi waafaqsan qodobka 9 aad ee Sharci Lr:19 ee Axsaabta Siyaasada 2016, isbahaysigaaas oo buuxiya shuruudaha ku xusan jadwalka saddexaad ee isla shacigan helana (50%+1),  waxa la filan karo waa in ay adkaato in la helo hab loo magacaabo ra’iisulwasaare  natiijada ka dhalanaysana waa in uu firaaq ama marnaansho ku yimaado mid ka mid ah hay’adaha dastuuriga ah oo ah hay’adda fulinta taasoo udub dhexaad u ah dowladnimada.

2 – Go’aan ka gaarista is haysad ka dhasha magacaabista

Sharciga Lr:19  ee Axsaabta Siyaasadda 2016 waxaa uu ogol yahay in la unko isbahaysi kaas oo  imaan kara ka hor iyo kadibba doorashada si waafaqsan qodobka 9aad ee sharcigi aan soo xusnay, laakin isbahaysiyada unkamay midkood in uu helo (50%+1), si  looga magacaabo ra’iisul wasaare, waxaa caqabad ku noqon kara  xubanaha aan xisbina raacsanayn ee sida madaxbanaan ku jooga baarlamanka  si waafaqsan qodobka l2 aad (8) ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka sababtoo ah waxa ay keeni karaan in isbahysina heli waayo( 50% +1) taasina waxaa ka dhalan kara  in si iskood ah marba ay xisbi qayb ka ah isbahaysi ugu biiraan, waxaana ka dhalan kara muran ah cidda heshay (50%+1). Haddii murankaas yimaado yaa leh go’aan ka gaaristiisa? Anagoo og in kaalinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka idlaanayso kadib doorashada madaxweynaha. Tusaale haddii labo isbahaysi ku wada doodaan in mid kasta helay aqlabiyadda (50%+1) sababta muranka dhalisayna ay tahay in xubno madaxbanaan ku kala biireen xisbiyo ka qayb ah isbahaysiyada unkamay, muranka noocaas ah yeey tahay cidda ka go’aan gaareeysa?

Ma Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka? Mise Gudoonka Baarlamaanka?

Ma xisbiyada ayaa si iskood ah isku soo bandhigaya?

Ma madaxweynaha ayaa isbahaysiga ku siyaasad dhow u garanya? Mise waxa jira habab kale oo go’aan looga gaari karo innaga oo waliba og in dooda noocaan ah ay timaado xiliga doorashada kadib sida ka dhacday wadamo kale. Haddii aan tusaale u soo qaadano doorashadii Ciraaq ka dhacday sanadki 2010 waxa ka dhashay dood ama muran noocaan oo kale ah, natiijada ka dhaltayna waxa ay noqotay in wadanku ahaado xukuumad la’aan muddo todoba bilood ah ilaa marki dambe ay go’aan ka gaartay Maxkamdda Sare ee fadaraalka xadidayna isbahaysiga soo magacaabaya ra’iisulwasaaraha.

Arinka is weeydiinta mudan waxa uu yahay Maxkamadda Sare ma buuxin kartaa kaalintaan? Haddii aan sharcigan lagu xaddidin weey adag tahay in ay buuxiso. Waxaa suuragal ah in uu Baarlmaanku iska diido go’aanka kasta oo arrintan quseeya ee ka yimaada Maxkmadda Sare, tusaalana waxaa noogu filan doorashadi 2016 oo ay dhacday in siddeeddii xildhibaan ee Maxkamadda Sare diiday xubinnimadooda Baarlamaanka uu Golaha Shacabku cod uu qaaday ku ogalaaday xubinimada siddeeddaas xildhibaan isagoo meesha ka saaray go’aanki Maxkamadda Sare. In ay taas mid la mid ah dhacdo wax diidaya malahan haddii aan lagu caddayn sharciga doorashooyinka.

Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka waxa uu qodobka 50 (3) ku xadiday dacwadaha u gudbi kara Maxkamadaha waxa uuna ku koobay saddexdaan:

– Xaqa codbixinta

– Xaqa ka qeybgalka doorashada iyo

– Go’aanka kama dambeysta ah ee natiijada doorashada.

Sida muuqata marnaba laguma soo hadal qaadin is qabsiga ka dhasha magcaabista ra’iisal wasaaraha waana mid abuuri karta jahawareer siyaasadeed natiijada ka dhalan kartaana waa xasillooni daro siyaasadeed.

3-Magacaabista Xubin ka tirsan Xisbiga ama Isbahaysiga aqlabiyada

Qodobka 11(6) ee Hindise Sharciyeedka sida uu u qoran yahay waxa ay madaxwaynaha siinaysaa fursad ah in uu magacaabo qof ka tirsan xisbiga ama isbhaysiga lakiin aan u ahayn murashax. Tusaale haddii madaxweynuhu soo magacaabo xubin ka mid ah isbahaysiga guuleeystay oo aan ahayn murashaxooda taasi waxaa ay keeni kartaa khilaaf isbahysiga dhexdiisa ah oo sababi kara in uu burburo isabahaysigaas taas oo keeni karta in uu lumiyo ahaanshahiisa isbahaysiga aqlabiyadda (50%+1). Kadibna la galo jahawareer siyaasaddeed.

4-Golaha Shacabka mise Baarlamaanka

Sida ku cad qodobka 69(2) xarafka D ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah (DKMG), ra’iisulwasaaraha iyo xukuumaddiisa waxaa kalsoonida siinaya Golaha Shacabka, sidaa daraadeed Aqalka Sare awoodihiisa kuma jirto in uu kalsooni siiyo xukuumadda.  Su’aashu waxa ay tahay maxaa looga baahan yahay in la adeegsado aqlabiyadda Baarlmaanka soow kama haboona in la yiraahdo aqlabiyadda Golaha Shacabka maadaama Golaha Shacabku ansixinayo?

5-Doorasho cusub

Haddii qodobkaan sidiisa loo dhaafo dalkuna galo jaha wareer siyaasaddeed waxaa lagu qasban yahay in loo dareero doorasho cusub lakiin is waydiintu waxay tahay wadanku ma ka bixi karaa culays intaa la eg?  Waxaa hubaal ah in ay adagtahay sanad gudihiis in wadankaan laba doorasho ka qabsoonto marka la eego duruufaha amni, dhaqaale, bulsho ee jira iyo tabarta hay’adaheena dowladda.

Haddaba si looga gaashaanto dulduleelada noocaan oo kale ah waxa ay iila muuqatay in wax laga badalo qodobka 11(6) faqrooyin kalana lagu siyaadiyo ama la abuuro qodob cusub waxa ayna noqon kartaa sidaan:

1) Faqrada 6aad waxaa lagu siyaadin karaa murashaxa iyada oo aqlabiyadda Baarlamaanka lagu badalayo aqlabiyadda Golaha Shacabka sidaan ayaana loo qori karaa: “Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabaya ra’iisulwasaaraha murashaxa xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda Golaha Shacabka (50% +1)”

2) Waxaa lagu siyaadin karaa faqro 7aad oo u qoran sidaan “Haddii xisbi ama isbahaysi heli waayo (50%+1), madaxwaynaha ayaa u magacaabaya ra’iisulwasaaraha murashaxa xisbiga ama isbahaysiga hela tirade xubnaha ugu badan Golaha Shcabka. Ra’iisulwasaaraha la magacaabay iyo Golihiisa wasiirada waa in ay kalsoonida ku waydiistaan Golaha shacabka muddo labaatan casho oo ka bilaabanaysa maalinta la magacaabay”

3) Waxaa lagu siyaadin karaa faqro 8aad oo u qoran sidaan“Sida ku xusan faqrada 7aad, haddii uu heli waayo kalsoonida, Madaxwaynaha ayaa magacaabaya ra’iisulwasaare kadib marka uu la tashado xubnaha Golaha shacabka. Ra’iisulwasaaraha la magacaabay ayaa kalsooni u weeydiinaya golahiisa wasiirada Golaha shacabka si waafaqsan qodobka 100 (c) ee DKMG.

4) Waxaa lagu siyaadin karaa faqro 9aad oo u qoran sidaan “Hadii Golaha Shacabku awoodi waayo in uu ansixiyo Golaha Wasiirada sida ku cad qodobka 100 (c) DKMG, Madaxwaynaha JFS ayaa kala diraya si waafaqsan qodobka 67 aad ee DKMG waxaana la dooranyaa Golaha Shacabka muddo 90 casho ah oo ka bilaabanaysa maalinta la kala diray.  Doorashada kadib, Golaha Shacabka ee la soo doortay iyo Aqalka Sare ayaa dooranya madaxwayne si waafaqsan qodobka 89aad ee DKMG.

W.Q: Said Ali Gurey

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW