U bood dhigaalka

Hindise Sharciyeedka Warbaahinta  oo Akhrinta Labaad Maray, Lana Sharxay

Sheeko:Baarlamaanka

Kullankii maanta ee Baarlamaanka waxaa akhrinta labaad galay hindise sharciyeedka warbaahinta, hindisahan oo la filayo in dhawaan akhrinta 3aad loo gudbo.

Cabdi Xaashi Cabdullha oo ah guddoomiyaha guddiga warfaafinta, wacyigalinta, Boostada iyo isgaarsiinta ayaa ugu horeyn ka hadlay marxaladaha uu soo maray Hindishe sharciyeedka laga soo bilaabo 2007dii ila aiyo hadda.

Xogheyaha Guddiga Yusuf Maxamed Cali ayaa qodod u aqriyay xeerkan oo ka kooban 42 qodob, isagoo sharaxay qodobada kala duwan ee xeerkan.

Sharcigan ayaa sugaya Akhrinta doodad Baarlamaanka iyo Akhrinta 3aad, kadib waxaa dhici doonta in la diido ama la ansixiyo.

Akhrinta Koobaad Hindise sharciyeedka warbaahinta waxaa uu ahaa June 18, 2015, Kalfadhigii Lixaa kulankiisii 11aad.

Goobjoog News