U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Dib U Dhac Ku Yimid Doorashada Baladweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Isniin ah dib u dhacay doorashada doorashada afar kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Kuraasta maanta lagu wada in magaalada Baladweyne lagu doorto ayaa kala ah HOP#004, HOP#011, HOP#063 iyo HOP#135, kuwaas oo dhamaantood la diiwaan geliyay musharixiinta u tartamaysa.

Dib u dhaca ku yimid doorashada kuraastaan ayaa salka ku haysa xaalad jahwareer ah oo ka taagan gudaha magaalada baladweyne.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay in la hakiyay doorashada kuraastaan, kadib xaalad amni xumo oo magaalada ka soo cusboonaatay.

Dhinaca kale kulan xalay magaalada Baladweyne ku dhexmaray madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Hagar Dabageed ayaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa isqabqab siga ka jira magaalada.

Labada hogaamiye ayaa la sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay ay isku fahmi la’yihiin sidii loo maamulilahaa kuraasta qaar ee lagu dooranayo magaalada Baladweyne.

Qaar kamid ah beelaha iska leh kuraasta oo gadood hubaysan ka sameeyay magaalada ayaa ka biya diiday in shaqsiyaad gaar ah loo xiro kuraastooda.

Hoos ka akhriso warqadda guddoomiyaha gobalka Hiiraan.