U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Guddiga Soo Xulaya Ergada Kuraas Golaha Shacabka ah oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saaray guddiga soo xulaya ergada kala dooranaysa laba kursi, kuwaas oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.

Kuraastaan ayaa waxaa tirsigoodu kala yahay HOP#019 iyo HOP#059, waxaana deegaan doorashaduu ay tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taas oo deegaan doorashada labaad ee BFS ee  Hirshabeelle.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#059 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Samiira Xasan Cabdulle,  Farxiya Muumin Cali ay Baarlamaakii 10-aad ay ku fadhisay HOP#019, iyadoo lagu dooran doono  Baladweyne.

No photo description available.

Goobjoog News