U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Guudlaawe Oo Xilkii Ka Qaaday Guddomiyihii Doorashooyinka SEIT iyo Xiisad Ka Taagan Baladweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Iyadoo maalmihii u danbeeyay uu khilaaf culus ka taagnaa doorashada kuraasta Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, islamarkaana ay isku hayeen madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, ayaa hadda khilaafkaasi waxa uu noqonayaa mid cirka isku sii shareera maadaama xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Hirshabeelle.

Warqad arroornimadii hore ee saakay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in xilkii laga xayuubiyay guddoomiyihii guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle Axmed Xasan Diini, sidoo kalana laga saaray xubinnimadii uu ka ahaa guddigga.

Cali Guudlaawe ayaa guddiga doorashooyinka Maamulkiisa ku soo daray Maxamed Xuseen Maxamed Waadi, waxaana la filayaa in xubnaha guddigga ay doortaan guddoon cusub.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay sababaha xilka looga qaaday guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Hirshabeelle inay ugu waa weyn yihiin xagal daacin iyo Hufnaan la’aan shaqo, Hab dhaqan aan waafaqsaneeyn nidaamka dowliga ah kaasi oo uu ku kacay Guddoomiyaha gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle iyo In Guddoomiyaha Guddiga doorashada Hirshabeelle uu ka leexday habsami u socodka iyo habraacyada doorashada 2020/2022.

Xilka qaadistaan ayaa ku soo aadday xilli xalay guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ay soo saareen guddiga soo xulaya ergada dooranaysa kuraas uu ka mid yahay kursiga Hop 135, kursigaas oo ay u sharraan tahay Xildhibaan Aamino Maxamed, waxaana la tilmaamay in soo xulista guddigaas aan loo marin habraacii saxda ahaa taas oo soo dedejisay xilka qaadista guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Hirshabeelle.

Si kastaba, waxaa wali is qab-qabsi xoog leh uu ka taagan yahay kuraasta ku harsan magaalada Baladweyne, waxaana doorashada kuraastaas fara galin toos ah ku haysa Villa Somalia, maadaama ay kuraastaasi u sharraxanyihiin siyaasiyiin mucaarad ah, balse Cali Guudlaawe ay horey siyaasiyiintaas ugu laab qaboojiyay inuu furi doono doorashada kuraastaasi.