U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Jadwalka Doorashada 7 Kursi Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta SEIT ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada 7 kursi oo lagu dooranayo magaalada Baladweyne.

Kuraasta la shaaciyay ayaa waxaa kamid ah HOP#003, HOP#006, HOP#022, HOP#031, HOP#032,  HOP#068 iyo HOP#252.

  Waxaa kuraastaan baarlamaankii 10-aad ku fadhiyaya xildhibaanada kala ah :-

HOP#003: Maxamuud C/raxmaan Sh. Faarax

HOP#006: Maxamuud Cabdullaahi Axmed

HOP#022: Cismaan Maxamed Cabdi

HOP#031: Yuusuf Xuseen Axmed

HOP#032: Khaliif Cabdi Cumar

HOP#068: Faadumo Faarax Ibraahim

HOP#252: Cabdicasiis Saalax Carmaan

Kuraastaan ayaa doorashadooda la qabanayaa maalin kadib heshiiskii dhameystirka doorashada golaha shacabka oo ku beegan 25.2.2022.