U bood dhigaalka

Hirshabeelle: Jadwalka Doorashada Lix Kursi Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa maata shaaciyey qabashada doorashada 6 kursi, kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya,waxaana ay ka dhacaysaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ah magaalada labaad ee loo asteeyey in lagu qabto doorashooyinka.

guddiga ayaa shaaciyey in doorashada kuraasta ay dhacayso 20-ka February 2022, waxaana maalmaha soo aadan guddiga uu ka shaqeynayaa habraaca doorasha sida soo xulista iyo tabarka dhaqanka soo xulaya Ergada.

Waxaa kuraastaan baarlamaankii 10-aad ku matalayay dadka reer Hiraan xildhibaanada kala ah:-

HOP#008:  Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan Dr Xuseen Cabdi Cilmi

HOP#015: Waxaa ku fadhisay kursigaan xildhibaanad  Xiis Xasan Aadan

HOP#074:  Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan  Cabdullaahi Colaad Rooble

HOP#086:  Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan  Faarax Sheekh Cabduqaadir

HOP#109: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan  Cabdifitaax Qaasim Maxamuud

HOP#274: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan  Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.