U bood dhigaalka

Hirshabeelle : Saddex Kursi Oo Jowhar Lagu Dooranayo

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ka dhacdo doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Saddexda kursi ee saaka la dooranayo ayaa kala ah HOP#135, HOP#141 iyo  HOP#146,  kuwaas oo ah kuraasta keliya ee ku dhiman maamulka Hirshabeelle.

Kuraastaan  waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaannada kala ah :-
HOP#135: Aamino Maxamed Cabdi
HOP#141: Maxamed Abuukar Islow Ducaale
HOP#146 : Cabdullaahi Maxamed Nuur
Waxaa maanta u tartamaya kuraastaan musharixiin uu kamid yahay madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Goobjoog News