U bood dhigaalka

Hogaamiyaha Mynamar Oo Xabsiga La Dhigay iyo Afgambi Dalkaas ka Dhacay

Sheeko:Caalamka

Wararka naga soo gaaraya dalka Myanmar ayaa sheegaya in dalkaasi ay ciidamada meleteriga ay ka sameeyen afgambi xukunka ay kaga tuureen dowladda radiyka ee dalkaas.

Aung San Suu Kyi hogaamiyaha dalkaasi ayaa ku baaqday banaanbaxyo dadweyne oo looga soo horjeedo afgembi militari laga sameeyo magaalooyinka dalkaas , saacado kadib markii iyada iyo dad kale oo ka tirsan xisbiga talada haya ay xireen ciidamada.

Hogaamiyaha, oo lagu qabtay weerar subaxnimadii ah, ayaa waxa ay sheegtay  in militariga ay isku dayayaan inay dib u soo rogaan kalitalisnimo. “Waxaan ka codsanayaa dadka inaysan aqbalin tan, inay ka jawaabaan oo ay si kal iyo laab ah uga mudaaharaadaan afgambiga ay sameeyeen militariga,” ayaa lagu yiri war lagu daabacay magaceeda.

Telefishinka militariga ayaa subaxnimadii Isniinta shaaciyay in ciidanku ay la wareegeen taladii dalka muddo hal sano ah, iyadoo awooda lagu wareejiyay taliyaha guud General Min Aung Hlaing. Waxay sheegtay in ciidanka ay ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah, ayna xireen hogaamiyaasha sarsare ee dowlada iyagoo ka jawaabaya “wax isdabamarin” intii lagu guda jiray doorashadii guud ee sanadkii hore.

Adeegyada taleefannada iyo taleefannada gacanta ee Yangon ayaa hawada ka maqan saakay oo Isniinta ah , gawaarida ciidamada  milatariga ayaana dalka oo dhan gaaf wareegaya .

Ficillada milatari ayaa waxay keeneen cambaareyn deg deg ah oo ka timid hoggaamiyeyaasha iyo khubarada xuquuqda aadanaha ee adduunka.

Xoghayaha saxaafadda ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Jen Psaki, ayaa sheegtay in Mareykanku uu ka soo horjeedo “isku day kasta oo lagu doonayo in lagu beddelo natiijada doorashadii dhowaan dhacday ama lagu carqaladeeyo kala-guurka dimuqraadiyadda ee Myanmar, ayna tallaabo ka qaadi doonto kuwa mas’uulka ka ah haddii tallaabooyinkan aan dib looga noqon.”

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ku baaqay in la siidaayo Aung San Suu Kyi iyo maxaabiista kale. Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in horumaradaasi ay matalayaan “dhabar jab weyn oo ku ah dib u habeynta dimuqraadiyada ee Myanmar”.