U bood dhigaalka

Hooyo Dhallan Sideed Cisho oo Kasoo Imtixaanka Macalimiinta Laga Qaadayo

Sheeko:Waxbarashada

Maanta waxaa si isku mid ah magaalooyinka Muqdisho iyo caasimadaha dowlad goboleedyada ka furmay Imtixaanka 3000 ee macalin oo ay qaadaynayso wasasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare, kaas oo uu si rasmi ah u daah furay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Imtixaanka  ayaa waxaa u fariistay 8000 oo macalimiin, kuwaas oo ka socday magaalooyin kale duwan oo dalka ah marka laga reebo deegaannada maamullad Puntland iyo Somaliland, waxaa xusid mudan in Imtixaankii maanta ay kasoo muuqatay   Hooyo Umul la ah oo ubadkeedu dhallanaa 8 cisho oo qura.

Xamdi Maxamed Xusseen marnaba in ay tahay hooyo ku jirta maalmaha adag ee dhalmada kadib kama reebin sidii ay ku gaari laheyd hadafkeedii ahaa in ay noqoto macalimad tacliinta ku ababisa ubadka Soomaaliyeed, xilli sidoo kale madashada Imtixaanka uu ku sugnaa Seygeeda Maxamed Cabdi Cali oo qeyb ka ahaa.

Hoyadaan ayaa maanta qeyb ka noqotay imtixaan ay galayaan 8000 oo macalimiin ah, kuwaas oo laga doonayo in ay kasoo gudbaan 3000 oo kaliya ay qorsheysay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare, mas’uuliyiinta ka socday dowladda ayaa bogaadiyay Hooyo Xamdi Maxamed Xusseen.

Goobjoog News