U bood dhigaalka

Hooyo iyo Wiil Ay Dhashay Oo Ku Dhintay Dalka Australia

Sheeko:Caalamka

Wararka laga helayo magaalada Sydney  ee dalka Australia aya sheegaya in dad Soomaali ah oo ku sugan magaalada uu khasaaro xooggan ka soo gaaray daadad ku dhuftay Sydney   iyo deegaanada hoostaga.

Inta la xaqiijiyay Hooyo iyo wiilkeeda ayaa ku dhintay daadadka ku dhuftay gudaha dalka Australia, waxaana la sheegay hooyadaan iyo wiilkeeda in biyaha ay la tageen xilli ay saarnaayeen gaarigooda.

Hooyada ayaa la sheegay in ay aheyd 67 sano jir halka wiilkeeda uu ku jiray da’aadda 30-meyada, waxaana labada marxuum ay ku dhinteen biyaha ku soo fatahay Sydney .

Inta badan magaalooyinka dalka Australia ayaa waxaa labadi maalin ee la soo dhaafay aad ugu fatahayay daadad xooggan kuwaas oo saameeyay nolashada dadka iyo isku socodka gaadiidka iyo dadwaynaha.

Goobjoog News