U bood dhigaalka

HOP#011 iyo HOP#063 Oo Saaka La Dooranayo

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan lagu qabto doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Doorashada maanta oo ah mid ka xiiso badan doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaa waxaa lagu dooranaya labada kursi ee kala ah HOP#011 iyo HOP#063.

Kuraastaan ayaa waxaa isku soo sharaxay illaa iyo 11 musharax oo ku tartamaya labadaas kursi ee saaka lagu dooranayo Baladweyne.

Kursiga HOP#011 waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Maxamed Cumar Barrow ( Maxamed Tuure) iyo Abdirisaq Cumar Maxamed, waxaana kursigaan baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay musharax Cabdirisaax Cumar.

Kursiga HOP#063 oo kamid ah kuraastii muddooyinkii la soo dhaafay la isku hayay ayaa waxaa ku tartamaya sagaal musharax.

HOP#063 waxaa horay ugu fadhiyay baarlamaankii 10-aad Cabdullaahi Goodax Barre oo ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada.

Goobjoog News