U bood dhigaalka

HOP#106 Oo Maanta La Dooranayo

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ku qabtaan doorshada kursiga HOP#106.

Kursigaan oo kamid ah kuraasta ugu dambaysa ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay doorashadiisa ka dhacdo Jowhar.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ee hore kursigaan ku fadhiyay xildhibaanad  Dr. Mina Xasan Maxamed.

Waxaa kursigaan hadda isku diiwaan geliyay illaa iyo lix musharax kuwaas oo kala ah :-

1 Osman Mohmed Mohamud ( Xaadole)
2 Shadoor Haji Mohamud
3 Fowziya Sheikh Ali Mohamud
4 Bashiir Mohamed Yusuf
5 Yusuf Abdi Abdulle
6 Yaxye Abuukar Aden
Goobjoog News