U bood dhigaalka

IMF: Haddaan La Helin Dowlad Cusub Bisha May Waxaa Istaagaya Taageeradeenna

Sheeko:Baarlamaanka

IMF ayaa sheegtay in barnaamijyadeeda Taageridda ciidamada, Deyn cafinta iyo Taagerada ay siiso dowladda Soomaaliya halis ugu jiraan in la joojiyo marka la gaaro bisha May haddii aanay doorashada dhamaan.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka IMF ee Laura Jaramillo ayaa sheegtay in ay qasab tahay in la helo dowlad cusub si ay u socdaan howlaha deyn cafinta iyo taageerada IMF ee dowladda Soomaaliya.

“Miisaaniyadda Soomaaliya waxa ay gaareysa $400  Milyan oo doollar, ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo ka badan 5 bilyan  ilaa $10 Bilyan oo dollar, 17May waxaa si toos ah u istaagaya barnaamijkan haddii aysan jirin dowlad cusub”, ayeey tiri  Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya.

Madaxa IMF ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in saameyn balaaran ay ka dhalan karto haddii ay dib u dhacdo doorashada markale.

“Dib u dhaca ku yimid doorashada waxa ay khatar ku tahay waqtiga la cusbooneysiinayo barnaamijyada IMF & Soomaaliya, waxaana ka dhalan karta saameyn balaaran oo ku timaadda qorshaha wadajirka ah.” ayey markale sheegtay Laura.

Haddii uu dhaco barnaamijka IMF waxaa sidoo kale la joojin doona qorshaha deyn cafinta Soomaaliya oo muddo dheer socday.

Goobjoog News