U bood dhigaalka

IMF oo Sheegtey in Dhaqaalaha Soomaaliya uu Korey 3.7%

Sheeko:Caalamka

Sanduuqa Lacagta Adduunka ee magaciisa loosoo gaabiyo IMF ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu kaga hadlay kororka dhaqaalaha Soomaaliya, waana markii ugu horeysey muddo 25 sano ah oo IMF ay ka warbixiso Soomaaliya.

Kadib qiimey uu sameeyey sanduuqa ayaa lagu ogaaday in sanadkii 20014-kii uu dhaqaalaha Soomaaliya korey boqolkiiba 3.7% taasi oo ah koror aad u wanaagsan, inkasta oo uusan gaarin waddamada kale ee dariska la ah Soomaaliya.

Meelaha ugu waaweyn ee sababta u ah kororka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu sheegey dhanka wax soosaarka beeraha, dhismaha iyo waliba isgaarsiinta.

“Horumarka laga sameeyey dhanka amniga iyo la’aanta abaaraha, kororka xiliga dhexe ee dhaqaalaha waxa uu gaari karaa illaa boqolkiiba 5%, balse kororkani ma ahan mid meesha ka saaraya faqrinimada iyo kala sareynta sinjiga” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta IMF ayaa waxaa kale oo lagu xusey in dowladda Soomaaliya ay wali si weyn ugu tiirsantahay kaalmada caalamka, waxayna ku baaqeysaa xoojinta hey’adaha lacagta ee Soomaaliya iyo sare u qaadista canshuur uruurinta si dowladda Soomaaliya ay u gaarto isku filnaansho illaa heer ah.

Xagga sicir bararka warbixinta waxa ay tilmaameysaa in sanadkii 2013-ka uu ahaa 1.3 %, halka sanadkani uu gaari karo boqolkiiba illaa 4% , halka kororka dhaqaalaha uu sanadkani ku darsami karo illaa 2.7% boqolkiiba.

IMF waxa ay sheegtey in Soomaaliya ay u baahantahay in ay is afgarad la gaarto gobolada, lana timaado siyaasad lacageed oo lagu wada qanacsanyahay, canshuur uruurin dalka oo dhan iyo waliba qeybsiga kheyraadkaa si siman.

Warbixintani ayaa waxa ay soo baxdey kadib wadahadalo dhexmaray hey’adda iyo wasiirka maaliyadda Maxamed Aaden Fargeeti , Wasiir ku xigeenka qorsheynta Cabdullaahi Sheekh Cali, iyo Maareeyaha bangiga dhexe Bashiir Ciise Cali.

Goobjoog News