U bood dhigaalka

Indian-British-kii Ugu Horeeyay oo Noqday Ra’iisulwasaaraha UK

Sheeko:Caalamka

Dowladda Ingiriiska ayaa sanad gudihiis waxaa ay yeelatay Ra’iisulwasaarihii afaraad, waxaana maanta Rishi Sunak loo  doortay inuu noqdo  ra’iisal wasaaraha xiga ee UK , Sunak ayaa xilka kala wareegaya Liz Truss, todoba isbuuc kaddib iska casishay xilka Ra’iisulwasaaraha UK.

Wuxuuna noqonayaa Rai’sal wasaarihii ugu horeeyay oo British-Asian ah oo qabto xilka ra’iisal wasaare isagoo 42 sano jir ah, taas oo ka dhigeysa kii ugu da’ada yaraa muddo qarni ah kaddib, waxaa uu xilka la wareegayaa iyadoo UK ay dhex muquuranayso qalalaase dhaqaale.

Rishi Sunak ayaa 1980-kii waxaa uu ku dhashay magaalada  Southampton, waxaa uu ahaa siyaasi da’ yar ah oo kasoo dhex muuqday xisbiga talada haya, waxaana loolanka uu kaga guulaystay loogu jiray xilka Penny Mordauntay daqiiqadihii ugu dambeeyay isaga hartay tartanka .

Goobjoog News