Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho loogu magacaabay Injineer Yariisow.
Wareedtada ayaa sidan u qoran:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)
-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;
Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;
Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:
Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;
Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad eeAmniga iyo Siyaasada;
Hussein Mohamed Nurwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka&Maaliyada;
Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
Aadan Sheikh Cali Fidowwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka HowlahaGuud
Xoghayaha Guudwaxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen