U bood dhigaalka

International Crisis Group: Soomaaliya Kama Dhici Karto Doorasho Qof iyo Cod Ah ee Halagu Laabo Tii 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Soomaaliya waa iney iska ilowdaa rajada ah in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waana iney dib ugu laabato qaabkii 2016-kii xilligan uu si aad ah u faafayo cudurka COVID-19 sidaas waxaa warbixin ku sheegtay International Crisis Group iyada oo intaas raacisay in taasi ay u baahan tahay wadatashi ay qeyb ka noqdaan dhammaan saamileyda.

Warbixinta, , COVID-19 in Somalia: A Public Health Emergency in an Electoral Minefield oo soo baxday jimcihii,  Crisis Group ayaa sheegay in cudurkan COVID-19  ee si dhaqso ah uga faafaya dunida iyo Soomaaliya iyo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira ay ka dhigi karto mid adag in Soomaaliya ka dhacdo qof iyo cod ah.

Crisis Group ayaa soojeedisay wax ka badal lagu sameeyo doorashadii dadbaneyd taas oo la isticmaalay 2016/2017 kaas oo ay qeyb ka ahaayeen 14,000 kuwaas oo doortay 275 oo golaha shacabka ah.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo khamiistii kulan la qaatay saxafiyiinta Soomaaliyeed in Soomaalida ay ka go’do waxa ay rabaan, oo aaney u yeerin doonin halka dalkiisa uu dhaqaale ahaan taageeri doono doorashada.

Goobjoog News