U bood dhigaalka

Is-Casilaaddii ‘Jawaari’ Yaa Faa’iidada Ugu Badan Ka Helay.. Yaase Ku Khasaaray!

Sheeko:War

Dadbadan ayaa waxay aaminsan yihiin in is-casilaaddii guddoomiye Jawaari ay libinta ugu badan ka heleshay xukuumadda “Tiro” ee nabad iyo nolol, laakiin anigu ra’yigaa waan kaga duwanahay dhowr sababood oo aan cuskanayo darteed.

Waa run in cidi ay si aad ah u dooneysay iney guddoomiyaha casisho, doonisteediina ay ku guuleysatay, laakiin waxaa is-weydiin mudan yaa khasaaraha ugu weyn uu soo gaaray?, siyaasaddu waa aaminaad iyo kalsooni, yaa sumacaddiisa ku khamaaray si ay u badbaaddo xukuumadda “Tiro” ee nabad iyo nolol?

Yaa Khasaraaha ugu badan uu ka soo gaaray is-casilaadda

  1. Madaxweyne Farmaajo

Febraayo 8, 2017, waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ oo ku soo baxay doorasho lama filaan ah oo si aqlabiyad leh uu ugu guuleystay kursiga madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashada aad baa loogu riyaaqay si wanaagsan ayaa magaalooyinka waaweyn looga dabaaldagay, qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu joogo rajo fiican ayaa soo gashay, cid kastaa waxay niyadda ku haysay isagoo Ra’isul wasaare ah ayuu Lix-bilood wax wanaagsan ku qabtay, isagoo madaxweyne ah waxwanaagsan ayuu qaban karaa weliba muddo record ah oo aad u yar.

Sanad iyo Laba bilood ka dib oo Labo Lix-bilood ah waxwalba waa sidoodii, nabadda, adeegyadii bulshada, isbedel ballaaran oo weli muuqdaa ma jiro. Waddooyinkii halbowlayaasha ahaa ee madaxda dowladda iyo safaaraha ajinabiga ah u xirnaa weli waa sidoodii. Sidii ayaa weli madaxda dowladda ay shacabka u adeegsadaan intii ay shacabka u adeegi lahaayeen, marka ay safarrada aadayaan waddooyinka muhiimka ah iyagaa loo xiraa, amnigooda darteed waxwalba oo shacabka danyar ah dhib u ah ayaa loo sameeya, qof doonaya inuu shacabka dartii naftiisa halis u geliyaa ma jiro laakiin mas’uul kastaa nafta shacabka ayuu iska hormarinayaan si kaligii uu u badbaado.

Arrimaahaas oo dhan waa la iska indha tiraayaa, dadka qaar weli rajo ayaa ku jirta oo berri ayaa laga roonaan doonaa, saadambe ayay wax hagaagi doonaan. ‘Waxaase soo baxday ka dara oo dibi dhal’, intii rajadu ku dambeysay waxaa layaab ku noqotay markii ay arkeen madaxweynihii oo xukuumaddii ‘Tiro’ difaac adag u noqday, [waxaan ula jeedaa Tiro xukuumadda hadda dhisan looma eegin tayo ee sidaan ognahay waxaa loo soo xushay yaa cod nooga keeni kara baarlaamka oo qof kasta oo siyaasadda wax ka barta ama fahmayaa wuu qiyaasi karaa.]

Hadaba, Sabababahan ayaa is-casilaadda Jawaari ay Madaxweyn ‘Farmaajo’ dhabar jab ugu tahay:

  1. Dadkii ay xoogaa rajo ah ku jirtay ee is lahaa madaxweynuhu wuxuu ku baraarugi doonaa waxqabad la’aanta xukuumadda ‘Tiro’ ee Xasan Cali Kheyre oo ka niyad jabay, waxaa kale oo la ogaaday halka salku ay ka qurunsan yahay.
  2. Hay’adaha kala duwan ee dowladdu way is dhameystiraan wayna kala baqaan, baarlaamka madaxweynaha ayuu ka baqaa, waa marka uu haysto qodobka uu ku kala diri karo, xukuumadduna baarlamaanka ayay ka baqataa, cid kastaana sharciga ayaa ka sarreya oo maxkamadaha ayaa laga wada dhowrsadaa, haddii is dhameystirkaasi uu jiri waayo waxaa meesha ka baxay miisaankii oo dhinac gaar ah u iisha, ciddaa awoodda xayuubsataana ay waxay rabaan iska sameeyaan.
  3. In madaxweynuhu uu ogolaado in guddoomiye ‘Jawaari’ uu ku baxo wadadii uu ku baxay Juun, 2011, waddo madaxweynaha u qalanta ma aaney ahayn, waxay ahayd in ugu yaraan uu dhex-dhexaad ka istaago arrintan sida uu sharcigu yahay lagu dhameeyo, intii muquunin siyaasadeed la sameyn lahaa.
  4. Waxaa qof kasta oo caqli leh oo ka tirsan xubnaha baarlaamanka uu ku baraarugayaa in sharciyaddii baarlamaanka ay halis ku jirto mar haddii xukuumaddii dooneyso iney majaraha u qabato aqalkii ay ka baqi lahayd ee golaha Shabacka, sababtiisana ay si wanaagsan ugu shaqeyn lahayd, waxaa imaandoonta xildhibaannadii sharciyadda difaacayay iney taageero xoog leh helaan dibna loosoo celiyo awooddii iyo sharciyaddii Golaha Shacabka.

Yaa ka Faa’iiday

  1. Maxamed Sheekh Cusmaan ‘Jawaari’

Dadku waxay doonaan ha sheegaan, laakiin waxay taariikhdu xusaysaa sidii qiimaha lahayd ee uu sharciyadda baarlamaanka u difaacay ilaa marxaladdii ugu dambeysay, xilkana si sharci iskaga casilay markii uu arkay inaan dhinaca kale wax rajo ah aaney jirin si mar kale la iskula shaqeeyo, waxa uu ka tagay 9-qodob oo uu khudbaddiisa ku sheegay Golaha Shacabkana ay tahay inuu ilaasho Sagaalkaa qodob mid kastaaba waxa uu ka bilaabanayay “Waxaan idiinka tagay..” oo khudbadiisii is-casilaadda uu ku faahfaahiyay.

Waxaa ka mid ahaa inuu ka tagay baarlamaan leh xasuusreeb hay’adeed (Institutional memory), oo howlihii uu soo qabtay ay ku kaydsan yihiin dokomenti qoran iyo kuwo maqal iyo muuqaalba leh, lagana heli karo xildhibaan walba wixii maalin uu ku hadlay.

‘Jawaari‘, waxa uu siyaasiyiinta Soomaalyeed tusay wadada siyaasadda “Hooyada” oo ah siyaasad ku cusub dalka ninka siyaasiga ah inuu damaciisa iyo doonistiisa uu ka hormariyo danta dadka, waa kii tusaalaha u soo qaatay, Hooyadii ilmeheedii yaraa islaan kale ku la dhagtay ee markii dambe u tanaasushay si ilmaheeda yar u noolado, xilligii Nabi Daa’uud C.S.

  1. Xildhibaannadii Sharciyadda difaaca u ahaa

Xildhibaannadii sharciyadda difaaca u ahaa waxay muujiyeen inaaney ahayn marnaba kuwa la iibsan karo, sida sharciyadda baarlamaanka loo ilaalinaya ay waxwalba u hurayaan. Tiradoodu inta ay doonto ha le’ekaatee.

Dalkan waxa uu u baahan yahay siyaasiyiin aan duruuf gaar ah bedelayn waxay difaacayaanna uu yahay gobonimada iyo kala soocnaanta hay’adaha kala duwan ee dalka si aan dib loogu noqon marxaddii dalka uu kaligii taliye,  wixii uu doono kaligii iska sameynta.

-Waxaan ognahay inaan qof kaligii Ummadda inteeda kale ka muwaadinsaneyn, kana caqli badneyn, kana garaada sarreyn, waxaa hubaal ah in iskaashi loo baahan yahay iyo qofkii wax qaban waayo in la yiraahdo in kugu filan waadna horjoogtay ee nabadgalyo.

Si kastaba, mucaarad ma ahi muxaafadna sidoo kale, waxaan ahay muwaadin shacab ah oo doonaya in dalkiisu uu horey u socdo, dadkiisuna ay helaan nabadda ay heystaan dalalka kale ee adduunka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo, ma filayo inaad helayso fursaddii ay horey u heleen madaxweynayaashii kaa horreeyay ee muddada xil-hayntooda dhameystiratay,  haddii waxqabad la’aantu ay sidaan u sii socoto, maxaa yeelay; waxaa hubaal ah inaan lacag lagugu dooran ee waxqabad laguu xushay, dadku waxa ay kaa filayaan ay aad u wayn tahay, waqtigu waa kugu ciriir, ra’yigayga is-casilaaddii Jawaari qofka khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray waa adiga.  

W/Q: Khadar Xuseen Maxamed

[email protected]

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo fakirkaaga…..fadlan ku soo dir; [email protected]