U bood dhigaalka

Isaias Afwerki Oo Gaaray Adis Ababa

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray maanta oo Sabti ah Caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa, waana booqashadii ugu horreysay oo ceynkaan ah muddo laga joogo 20 sano ka dib markii uu go’ay xiriirka labada wadan  ka gadaal markii uu dagaal ka dhex qarxay sanadkii 1998-dii.

Isaias Afwerki waxaa garoonka Adis Ababa ku soo dhoweeyay markii uu gaaray ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Itoobiya, Safiirrada Adis Ababa ku sugan iyo madaxda gobollada.

Isaias Afwerki ayaa soo dhoweyn kala kulmay kooxaha Fanka kuwaasi oo ku sugnaa wadada dheer ee isku xirta garoonka iyo Madaxtooyada.

Booqashada Afwerki ayaa qaadan doonta laba Maalmood waxaa uuna gorfeyn doonaa inta uu ku guda jiro booqashada xiriirka labo geesoodka ah iyo in la soo celiyo sidoo kale waxaa uu booqan doonaa goobta Warshadaha ee magaalada Awasa ee gobolka Shacuubta koofurta Itoobiya sida ay sheegeen Ilo Siyaasadeed oo Itoobiyaan ah.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Eritrea uu furo Safaaradda wadankiisa uu ku yeelanayo magaalada Adis Ababa, ka dib markii ay go’een xiriiradii diblomaasiyadeed ee labada wadan .

Biri oo Axad ah waxaa uu Khudbad u jeedin doonaa Afwerki dad is kugu soo baxayo hoolka “Al-Alfiyah”, waxaana la filayaa in ay soo xaadiraan ku dhowaad 25 kun oo Muwaadiniin Itoobiyaan ah kuwaasi oo goob joog ka noqon doona munaasibadda lagu soo celinayo xiriirka labada wadan.

Shalay oo Jimco aheyd waxaa ay Adis Ababa ku dhawaaqday in ay soo dhaweyneyso booqashada Madaxweynaha Eritrea, war uu baahiyay xafiiska warfaafinta xukuumadda Itoobiya lagu sheegay in xukuumadda iyo Shacabka ay soo dhaweynayaan booqashada Taariikhiga ah ee madaxweyne Afwerki.

Eritrea ayaa xornimada ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993-dii, ka dib dagaal socday muddo dhan 20 sano balse loolanka Soohdinta magaalada Padmé ayaa mar kale ka dhex bilowday labadooda sanadkii 1998-dii waxaana waqtigaasi go’ay xiriirkii diblomaasiyadeed.

Algeria ayaa martigalisay bishii December 2000 saxiixa heshiis nabadeed oo u dhaxeeya labada dal, kaasi oo lagu dhameynayay dagaalka Soohdimaha .

Bishii la soo dhaafay waxay Itoobiya ay ku dhawaaqday inay si buuxda ay u fulineyso heshiiskii sumadeynta Xuduudaha .

Goobjoog News