U bood dhigaalka

Isbuurasho Ka Dhacay Caasimadda Yemen oo 78 Qof ay Ku Dhinteen

Sheeko:Caalamka

Magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yeman ayaa waxaa lasoo  sheegayaa in Ugu yaraan 78 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday caasimadda  magaalada , kadib markii boqollaal qof ay isugu soo baxeen dhisme iskuul, si ay u helaan gargaar lacageed, sida ay sheegeen goob joogayaal iyo warbaahinta taabacsan kooxda Xuutiyiinta.

TV-ga Al-Masirah oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ayaa waxaa lasoo xigtay in  13 qof oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay ay xaaladoodu  halis tahay, isagoo soo xiganaya agaasimaha caafimaadka ee Isbitaalka magaalada Sanca, kooxdaan xulufada la ah Iran ayaa maamusha magaalada caasimadda ah ee Sanca oo gacanta u gashay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afhayeen u hadlay ee Xuutiyiinta ayaa ku sheegay  bayaan uu soo saaray ku  in isbuurashada ay dhacday xilli ay ganacsatadu qaybinayeen deeqo samofal ah oo maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan ay qeybinayeen, waxaana ka dhalatay djimashada 78 ruux oo ku sugnaa goobta.

Goobjoogayaal ka qeyb qaataygurmadka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in boqolaal qof ay isu soo baxeen,si ay u helaan deeq lacageed oo dhan 5,000 oo Riyaal, una dhiganta 9 doolar qofkiiba, taasna kadib ay xigtay in goobtaas ay ka dhacdo isbuurashada ay sameeyeen dadka, isaga oo intaas ku daray jiritaan ku halis ah.

Muuqaallo uu baahiyay TV-GA  ay Xuuthiyiintu  mamusho uu ku baahiyay ku baahiyeen Telegram-ka fariimaha la isugu diro ayaa muujinayay dad aad u tiro badan oo isku soo ururay, qaarkoodna qeylinaya, isla markaana u gacan haatinaya in loo qaado meel ammaan ah, taas oo keentay falka dhacay ee sababay geerida tirada badan

Falkaan isbuurashada ah Laba ganacsade oo masuul ka ahaa qabanqaabada deeqdan lacageed ee dadku wax ku noqdeen ayaa xabsiga la dhigay, waxaana socda baaritaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuutiyiinta, taas oo lagu ogaanayo khasaaraha  iyo sababta keentay in ay dhacdo isbuurshada ka dhcday Sanca.

Goobjoog News