U bood dhigaalka

Iska hor imaad xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Faafax dhuun ee Gedo (faahfaahin)

Sheeko:War

shabaab gaari

Isk hor imaad khasaaro geystay ayaa xalay saqdii dhexe deegaanka Faafax dhuun ee gobolka Gedo ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa Kenya iyo xarakada Al-Shabaab.

Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu ku bilowday weerar ay fariisinka ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku soo qaadeen rag ka mid ah xarakada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Faafax dhuun ee gobolka Gedo Aadan Shuqul ayaa xaqiijiyay in weerarkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ay ku dhinteen ilaa afar ruux, saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo kala ahaa dhinacyadii dagaalamay gaar ahaan ragii weerarka ku soo qaaday deegaanka sida uu sheegay.

Xaaladda deegaanka faafax dhuun ayaa saakay dagan inkastoo ciidamada Kenya ay bilaabeen dhaq dhaqaaq ciidan iyo howl gal lagu xaqiijinayo amniga deegaankaasi.

Wararka Goobjoog news