Wafdi ka socda dalka Eritrea ayaa ka soo degay garoonka Bole Airport ee  Addis Ababa.
Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ayaa uga hortagay wafdiga garoonka isagoo si diiran u soo dhoweeyay .
Tallaabadaan ayaa timid ka dib markii uu casuumaad horay ugu diray Abiy. Imaatinkaan waxay soo afjareysaa go’doomin labada dal ah oo socotay muddo dhan 20 sano.
Goobjoog News