U bood dhigaalka

Itoobiya: Abiy Oo Ra’isul Wasaare Loo Dhaariyay Iyo Farmaajo Oo Ay Wada Hadleen

Sheeko:Dalka, War

Ra’isulwasaaraha cusub ee dalka Itoobiya  Abiy Ahmed ayaa maanta lagu hordhaariyey baarlamaanka dalkaasi. Abiy  ayaa sheegay in ay habooneyd in xukuumadda  ka hortagto in ay dhacaan waxyeello soo gaara dadka shacabka ah saddexdii sano ee la soo dhaafay oo Itoobiya ay ka socdeen qalalaaso rabshado wato.

Waxaa uu intaas ku daray in maqnaashiyaha ku dhaqanka dimuqaraadiyadda dalka ay ka qeyb qaadatay in dalka ka abuurmaan dhibaatooyin.

Abiy Axmed ayaa caddeeyay inuu diyaar u yahay in deriskiisa Eritrea uu kala shaqeeyo xallinta khilaafka u dhaxeeya labada dal.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa xiriirkooda waxaa soo kala dhexgalay xiisad, ka dib markii ay dhaceen dagaallo ku saleysan xaduudda oo u dhaxeeya labada sanadkii 1998.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefanka ugu hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abi Ahmed oo maanta oo isniin ah loo dhaariyay Xilka Ra’iisal wasaarenimo ee dalkaasi.

“Waxaan u xaqiijiyay inaan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado Ganacsiga,maalgashiga iyo in la xoojiyo Amniga Gobolka,waxaana shaki ku jirin in Ra’iisal wasaare Aby Ahmed xoojin doono wada shaqeynteena,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya mar uu khadka Taleefanka kula hadlay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Goobjoog News