U bood dhigaalka

Itoobiya: Cadawga Waa La Garaaci Doonaa, Guushuna Way Sii Socon Doontaa

Sheeko:Caalamka

Ciidamada dowladda itoobiya ayaa sheegay in ay kooxda TPLF ay kala wareegeen magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha oo ay horay kooxda u qabsatay.

Bil ka hor ayeey aheyd markii TPLF iyo xoogagooda taabacsan ay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee gobalka Amxaarada.

“Magaalada taariikhiga ah ee Dessie iyo magaalada Kombolcha ee ganacsiga waxaa la wareegay oo gacanta cadawga ka bixiyay  ciidamada ammaanka ee wadajirka ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Itoobiya.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya oo soo xiganaysa Abiy ayaa sheegtay in fallaagada ay soo gaartay khasaare xooggan oo ay u adkeysan waayeen weerarrada ciidamada huwanta ah.

“Cadawga waa la garaaci doonaa, guushuna way sii socon doontaa,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidamada uu horkacayo Abiy.

TPLF oo aan dhankooda fariimaha kooxda Abiy ka jawaabin ayaa sheegtay in ay dagaalka ku sii jirayaan lana wado qorshe ay deegano cusub ku qabsanayaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda sheegay in maalmo ka hor ay la wareegeen xarunta UNESCO oo ay muddo maamulayeen kooxda TPLF iyo xulafadeeda.

Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in kooxda ay sii wadeyso dejinta isteraatijadeeda dagaal aysana jirin wax guul ah oo laga gaaray.

Waxaa weli soconaya Dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadaan Maraykanka iyo Midowga Afrika oo lagu raadinayo xabbad joojin iyo wadahadal ayaa soo baxaya in labada dhinac ay xalka u soo dhawaanayaan.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa labada dhinac horay ugu eedeyay in ay geeysteen falal ka dhan ah bini’aadanimada oo ay ku jiraan Kufsi, jirdil iyo dilal aan loo meel dayin.

Tan iyo markii bishii November sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

Goobjoog News