U bood dhigaalka

Itoobiya: Ma Aqoonsanin Somaliland, Waxaanna Taagereynaa Midnimada Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya  Ambassador Dina Mufti, ayaa sheegay in dalkiisa aanu aqoonsaneyn Somaliland isla markaana ay taageerayaan midnimada Soomaaliya.

“Arrinta ku saabsan Somaliland, waxay qeyb ka tahay midowga Soomaliya, lamana aqoonsana, warka ah Itoobiya iyo dalalka ayaan aqoonsan, ma aha wax run ah”.

Ambassador Dina Mufti  oo sii hadlaya“Innaga oo ka ambaqaadeynta ixtiraamka midnimada iyo qarannimada dal waxaa la dhaqannaa Soomaali mid ah, waxaan ku taageernaa in dib loosoo celiyo xisiloonida halkaas”.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii ay Somaliland qeyb ka noqotay loolanka Itoobiya iyo Masar ee webiga Nile, waxaana muuqata in Itoobiya ay ka xanaaqday xiriirka ay Hargeisa la yeelatay Qaahira.

Goobjoog News