U bood dhigaalka

Itoobiya oo Sheegtay Iney Dishay Fu’aad Shangolle iyo Horjoogayaal Kale

Sheeko:Caalamka

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in dagaalkii ka dhacay gudaha dalkaas ee u dhaxeeyay ciidanka Liyuu Police iyo kuwa federalka oo iskaashanaya iyo Al-shabaab lagu dilay Fu’aad Maxamed Qaliif iyo horjoogayaal kale oo ka tirsan Al-shabaab, sida lagusheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay sarkaal sare oo u hadlay dowladda oo xusay in lagu dilay sedex horjooge.

Fu’aad Maxamed Qalaf oo ahaa madaxii dacwadda Al-shabaab ayaa isaga iyo labada horjooge waxaa lagu dilay duqeymo loo adeegday diyaarado, kadib howlgallo ay qaadeen ciidanka cirka Itoobiya, waxaana horey dowladda Mareykanku madaxii dul dhigtay 5 Million o Dollar, waxaana uu kamid ahaa hoggaamiyeyaashii sida weyn loo doondoonayay muddooyinkii dambe.

Sarkaal sare oo lagu macaabo Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab sida uu hadalka u dhigay  iyo 3 kale oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab. sida lagu xusay qoraal ay baahisay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency, waxaana qoraalka sidoo kale lagu xusay magacyada ragga la dilay.

Janaraal Tesfaye ayaa sidoo kale sheegay iny burburiyeen keydadkii hubka ee ay Al-shabaab u diyaarisay inay ku weerarto Itoobiya. Saddexda hogaamiye ee la dilay intii uu socday weerarka dhabka cirka ah ayuu Janaarlka ku sheegay inay kala yihiin

1.Fu’ad Mahamed Khalif [Shongole] oo u qaabilsanaa abaabulka iyo borobagandhada kooxda Al-shabaab sida loo dhigay qoraalka.

2-.Cabdul Casiis Abu Musa oo ahaa afhayenka Al-shabaab.

3- Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa dhinaca xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool. Waa sida lagu baahiyay Ethiopian News Agency

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca  Al-Shabaab oo ku aadan aadan geerida Fu’aad Maxamed Qalaf oo ahaa madaxii dacwada Al-shabaab, dowladda Mareykanka ayaa horay ugu dartay hoggaamiyeyaasha caalamka laga doondoonayo, waxaana madaxiisa la duldhigay 5 Million oo Dollar, waxaana wali socda dagaallada u dhaxeeya Itoobiya iyo AL-Shabaab.

Goobjoog News