U bood dhigaalka

Itoobiya oo si Rasmi ah Ugu Dhawaaqday Dhameystirka Waddo Khad Tareen ah oo isku Xirta Adis Ababa iyo Jabuuti

Sheeko:Caalamka

Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday dhameystirka  dhismaha waddo tareen casri ah oo  isku xiraysa magaalo madaxda Itoobiya ee adis ababa iyo dalka Djibuuti.

Khadkan tareen oo  si rasmi ah howshiisa u bilaabi doonto toddobaadka ugu horreeya ee bisha October ee soo aaddan ayaa maalintii shalay  xariga laga jaray.Tareenadan wadada isticmaalaya ayaa aad u dheereeya iyagoo saacadii  jaraya xawaare dhan 120 Km.

Masuul u hadlay Itoobiya ayaa Waxa uu ka dhawaajiyay in awoodda tareenka ee rakaab uu yahay 3540 rakaab ah,  oo loo kala qeybiyaya Labo qeybood oo kala heer sarreeya, qeybta koowaad tirada kuraasta waa 3944, qeybta labaad oo VIP ah waxay leedahay 2596 kursi, iyadoo sidoo kale-na uu la socdo makhaayad leh 944 kursi.

Dhanka amniga marka laga eego ayaa mas’uuliyiintu sheegeen inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu amniga badan dunida marka loo eego xeerarka caalamiga ah ee nabad qabka wadada, waana kan ugu fiican qaaradda afrika guud ahaan mark laga eego dhanka adeegyada rakaabka iyo diyaar garowga dhanka amniga.

Khadkan tareenka ayaa dhirirkiisu waxuu gaarayaa 700km, iyadoo Itoobiya iyo Jabouti loo kala soconayo 6-8 saacadood oo qura. Waxaa mashuurcan ku baxaday lacag dhan 4Billon oo dollarka mareynka ah, dhismahan ay fulisay Labo shirkadood oo laga leeyahay wadanka China.

Itoobiya ayaa ku tiirsaneyd dekedaha wadanka Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadda ka qaatay Itoobiya 1991,  basle sanadkii 1998 ayaa  dagaal u dhaxeeya Itoobiya Eritrea oo dhacay dartii waxay itoobiya loo diiday isticmaalka dekedaha Eritrea oo ay badeecado kala soo degi jirtay,  waxayna u wareegtay dhanka Djibuuti oo halkaas ay badeecadeeda ugu badan kala soo dagto hadda .

Goobjoog News