U bood dhigaalka

Jabhadda TPLF oo Ka Hadashay Dagaalka Itoobiya, Xilli ay Fariin u Dirtay Soomaalida

Sheeko:Caalamka

Dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda federalka Itoobiya iyo xoogagga Jabhadda Tigray ayaa galay maalintii Todobaad, TPLF waxay qabsatay magaalada Qobbo oo ay ka baxeen ciidamada Itoobiya kaddib markii dhulka buuraleyda ah oo magaaladaas ku teedsan oo ay labada dhinac dagaallo ku dhex mareen.

Waxaa markii ugu horeysay Talefashinka Tigray kasoo muuqday afhayeenka kooxda TPLF,  Getachew Reda, waxaana uu ka hadlay dhowr arrimood, waxaana si gaar ah uga hadlay dagaalka Jabhadda ay soo rogaal celisay iyo macluusha ka dilaacday Waqooyiga dalkaas gobolka ku yaalla ee Tigray, isaga oo fariin u diray Soomaalida.

“Walqayti Amxaarada iyo shacabka Amxaarada iskama laha. beeraleyda Amxaarada goormee ayay Walqayti yeesheen kana faa’ideysteen? …ma jirto sabab ay dhallinyarada Soomaalida ah ugu dhammaanayaan,” ayuu yiri Getachew Reda, xilli uu la fariin hawada u marinayay dhallinyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Afhayeenka kooxda TPLF,  Getachew Reda,Mar uu ka hadlayay macluusha haysata shacabka deegaanka Tigray, wuxuu sheegay inay shacabka gobolkaas haysato macluul iyo gaajo aan taariikhdooda horay u soo marin, taas oo ka dhalatay dagaalka dabadheeraaday ee soo bilowday sanadkii hore iyo Abaaraha jira.

“Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP oo warbixin ka soo saartay xaaladda macluul ee deegaanka ka jirta waxay ku sheegtay 89% shacabka Tigray inay xaalad macluul ah ku jiraan oo maalintii hal mar ka badan wax ay cunaan aysan haysan,” ayuu yiri Afhayeenka kooxda TPLF,  Getachew Reda.

Ugu dambeyn waxaa uu ka hadlay suurtogalnimada in  Tigray uu noqdo mid ka go’a dalka Itoobiya “Gobolka Tigray haddii uu dal madaxbannaan noqdo oo Itoobiya uu ka go’o iyo haddii uu Itoobiya ka sii mid ahaado intaba, wuxuu mar walba deris la sii ahaanayaa deegaanka Amxaarada oo waan is-hurannahay,” ayuu yiri Getachew Reda.

Goobjoog News