U bood dhigaalka

Jadwalkii Imtixaanka Midaysan ee Dugsiyada Sare ee Dalka oo Lasoo Saaray

Maajo 16, 2017

Wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalka imtixaanka Qaran ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.

Jadwalkan ayaa waxaa lagu soo muujiyay maalmaha kala duwan, maaddooyinka ay ardaydu geli doonaan, saacadaha maaddooyinka iyo xilliyada Break Time-ka ee ay ardaydu qaadanayaan.

jadwalka-imtixaanka-dugsiyada-sare-ee-dalka

 

 

Imtixaanka midaysan ee sanadkan ayaa waxaa u fariisanaya arday 23, 000 oo arday gaaraysa oo ka kooban dalka oo dhan, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo iyagu si gaar ah u qaadi doona imtixaankooda shahaadiga ah ee dugsiyada sare.