U bood dhigaalka

Jawaab Celinta Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Go’aankii Madaxweyne Xasan oo Isasoo Tareysa 

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu uu mas’uul ka yahay dalka xaqna uu u leeyahay inuu maslaxadda guud ilaaliyo.

Xildhibaanka oo aan wax ka waydiinay Decretadii Madaxweynahu ku meel mariyay hanaanka doorashda dadban, ayaa yiri:

“Go’aanka madaxweynuhu waa mid dastuuri ah inuu qaato, waa waajibaad dadka ka saran marka uu ciriiri galo, wadankani waa waddan burburay qabyaalad iyo musuqmaasuq iyo cadawbaa isku hareeyay, intii la isku keenay iney burburto may ahayn, in fiican baa hadda la isku duway, intaa inuu ku celiyo intii albaab kale ka furmi lahaa waajibaad saarnaa ayuu ahaa, waanan ku ayideynaa waanan ku taageeraynaa” .

Waxa uu xildhibaanku sheegay in  waqtiga ka lumay xildhibaanada:

“Xildhibaanadu waxay u taagan yihiin in aragtida lagu kala duwanaadaa ee dayacaad maaha, doodii baa socotay aragtidii baa kala fogaatay, waqtiguna ciriiri buu ahaa, inuu waqti sii dhumo ma aaney ahayn”.

Dadka Soomaaliyeed waxaa lagu ihaaneystay inay yihiin dad aan horey u socon, marka waxay ahayd inaan horey u soconno oo aan si degdeg ah u ansixinno, ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.

Xildhibaanka Maxamuud ayaa ka hadlay Beesha Caalamka:

“Beesha Caalamku dano badan ayay ka leedahay Soomaaliya isku u jeedana maaha qolaba danbey leedahay, waxaan ka cararaynaa dadkanaga inaan cadawga loo loogin, albaab walba inaan laga soo qufulan, dhalinyarada badda ku dhamaaneysa iyo kuwa al-Shabaab sidii loosoo celinayaa danteenna ah, inaan u tanaasulno hadday wax nala qabanayaan oo runtana aan ka qaadanno, waxaynaan qaban Karin waa inaan ka tillaabsanno, waxaan qaban karno waa inaan qabanno”.

Ugu dambeyn, Shalay ayaa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo saaray Go’aan madaxweyne oo uu ku meel marinayo nidaamka doorashada dadban 2016.

Goobjoog News