U bood dhigaalka

Jawaari oo Lagu Amray inuu ilaalada Iyo Hubka Ka Soo Tago

Sheeko:Baarlamaanka

Qoraal uu hadda soo saaray Cadiweli Muudeey, guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka waxaa lagu armay guddoomiye Jawaari inuu hubka kasoo tago.

Qodobada qoraalka waxaa ka mid ah:

1. Agabka golaha shacabka leedahay, albaabka laga soo galo iyo furayaasha xarunta waxaa mas’uul ka ah Ciidanka booliiska.

2. Maalinta Sabtida 31ka Maarso 2018, golaha shacabka waxaa reeban in wax ciidan iyo hub ah u soo gudbaan agagaarka xarunta golaha oo aan ka aheyn kuwa u xilsaaran amniga xarunta.

3. Guddoomiyaha, ku-xigeennadiisa iyo dhammaan xildhibaannada waxaa amnigooda mas’uul ka ah booliiska

4. Xildhibaanada waxaa la faray iney la shaqeeyaan laamaha amniha.

Dhinaca kale xildhibaanno la hadlay Goobjoog News waxay warqadda C/weli Muudey ku sheegeen iney tahay sharci darro.