U bood dhigaalka

Jawaari oo Ogolaadey In Codka Kalsoonida Loo Qaado

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ogolaadey in codka kasoonida loo qaado oo Kuwa mooshinka ka keenay ay helaan Xildhibaanadka ka dhimmnan.

Jawaari oo sii hadlaya ayaa dalbaday in cod-bixinta ka dhacdo goob dhex-dhexaad ah mar haddii sida uu yiri aqalka golaha shacabka ay xukuumadda la wareegtay.

Ugu dambeyntii, waxaa uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ku eedeeyay ra’isul wasaare Xasan Kheyre in ciidamo ku wareejiyay Guriga umadda, isla markaana uu mas’uuliyaddeeda qaadi doono wixii dhaca.

Goobjoog News