U bood dhigaalka

Jowhar Iyo Baydhabo: Doorashada Oo Socota

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka billaabatay doorashada aqalka hoose ee maalmahan ka socotay halkaasi.

Ergadii ayaa gebigeedba lagu xareeyay hoolka doorashada waxaana socda doorashada oo maanta la filayo in la doorto illaa seddex kursi.

Labada kursi ee u horreysa waxaa ku tartamaya dhowr musharrax.

Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi iyo Maxamed Cumar Maxamuud oo hadda ka mid ahaa xildhibaanada dowladda Soomaaliya oo kursiga koowaad ah.

Kursiga labaadna waxaa ku tartamaya afar musharrax oo kala ah Cabdimaalik Ibraahim Cabdalla, Cumar Cismaan Waasuge, Cabdulqaadir Cismaan Maxamed iyo Cabdimaalik Cabdiraxmaan Cali.

Loolan adag oo loogu jiro kamid noqoshada baarlamaanka cusub ee federaalka ayaa ka socda magaalada Jowhar oo kuraasta qaar ka dhigay inay ku tartamaan musharrixiin ka badan illaa seddex.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayay ka socotaa doorashada oo labo meel oo magaalada kamid ah ayaa lagu qabanayaa.

Arrintani ayaa loo aaneynayaa waqtiga oo aad u yar.

Goobjoog News