U bood dhigaalka

Jowhar: Doorashada Aqalka Hoose Oo Socota

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada aqalka hoose ayaa ka billaabatay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo ay ka socoto haatan.

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dooranayaa seddex kursi waxaana ay kala yihiin sidatan:

Kursiga koowaad doorashadiisa ayaa hadda socota waxaana  ku wada tartamaya Cali Nuur Xuseen, Maxamed Aadan Geeddi iyo Cabdirisaaq Axmed Maxamed

Kursiga labaad waxaa ku tartamaya Cali Sheekh Xasan Cusmaan iyo Maxamed Cabdullaahi Axmed

Kursiga seddexaad waxaa ku tartamay Zamzam IbraahimYuusuf iyo Maryan Axmed Haaruun

Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya kulamo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiinta xilal doonka ah iyo ergada beelaha oo lagaga hadlayo arrinta kuraasta tartanka loogu jiro.

Goobjoog News