U bood dhigaalka

Jubba Oo Iska Fogeysay In Baasa Boor Diblomaasi Ah Ay Siisay Madaxweynihii Hore Ee Afrikada Dhexe

Sheeko:Caalamka

Madaxda dowladda Koofurta Suudaan ayaa iska fogeeyay Jimcadii in ay siiyeen boosa boor diblomaasi ah  Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe François Bozizé, kaasi oo wajaha cunno qabateyn ay saartay qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin in uusan Safri Karin.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Koofurta Suudaan ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Anadolu in aysan siinin Baasa Boorka safarka qab aan ka tirsaneyn dowladdooda, warbixinnada ay qaramada Midoobanna ay yihiin kuwo aan sax aheyn.

Warbixin uu u gudbiyay golaha ammaanka 23 June koox khuburo ah oo qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ayaa lagu sheegay François Bozizé in uu isku dayayo inuu garab maro xayiraadda Safar ee lagu soo rogay isaga oo adeegsanayo documentiyo been abuur ah.

Quburada waxaa ay intaas ku dareen in Bozizé ay uga shakisanyihiin in uu ku safray Baasa boor diblomaasi oo ay leedahay dowladda Koofurta Suudaan isaga oo Magaca Baasa Boorka ku qortay Samuel Peter.

Warbixinta waxaa loogu baaqay dardaaran loo soo jeediyay dowladda Koofurta Suudaan kaasi oo ah in ay ka soo jawaabaan codsiyada guddiga ee ku aadan arrinta Baasa Boorka, warbixinta waxaa la sheegay in ay u direen farriin ergeda joogtada ah ee Koofurta Suudaan ee qaramada Midoobay bishii Febraayo ee la soo dhaafay balse aan loo soo jawaabin ilaa iyo hadda.

10, May, 2014 golaha ammaanka ayaa cunno qabateyn ku soo rogay Bozizé, kaasi oo ay xilka ka Tuureen Fallaagada Silica oo u badan Muslimiin sanadkii 2013-kii.

Bozizé oo xukumayay Afrikada dhexe Mudadii u dhaxeysay 2003-2013-kii aya hadda ku nool dalka ugandha.

Balse warbixinta waxaa lagu sheegay in Ugandha June ee tagtay ay codsatay qaramada midoobay in ay u wareejin doonto dowlad Saddexaad.

Goobjoog News