U bood dhigaalka

Jubbaland: 5 Kursi Oo Kismaayo Lagu Dooranayo, Akhriso Yaa U Tartamaya ?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Talaada ah magaalada Kismaayo lagu qabanayaa doorashada 5 kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah  HOP#072, HOP#079, HOP#112, HOP#130 iyo HOP#136, kuwaas oo jadwalkooda la soo saaray 20-ki bishaan.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisu dhamaaday ku matalayay kuraastaan xildhibaanada kala ah :-

HOP#072: Cabdirashiid Maxamed Xiddig

HOP#079: Farxiya Xasan Axmed

HOP#112: Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed (Xukun)

HOP#130: Maxamed Diiriye Khaliif

HOP#136: Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi

Waxaa maanta kuraastaan u tartamaya musharixiinta kala ah :-

HOP#072: Waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah C/rashiid Maxamed Xidig iyo C/samad Maxamed C/laahi

HOP#079:  Waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Maxamuud Muxumed Cumar ( kuulow) iyo  Bashiir Nuur Xuseen.

HOP#112: Waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah  C/qaadir Maxamed Waceys  iyo  Daa’uud Cismaan Cali.

HOP#130: Waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Mowliid Cabdi Maxamuud iyo  Haboon Xasan Tifow.

HOP#136:  Waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah C/fataax Cumar Macalin iyo Cumar Yusuf Qaladiid.

Goobjoog News