Jubbaland: Doorashada Aqalka Hoose Oo Maanta Lasoo Gebogabeynayo

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose lagu soo gebogebeeyo doorashada xildhibaannada aqalka hoose, gaar ahaan xubnaha kusoo aadey maamulka Jubbaland.

Waxaa maanta la filayaa in Kismaayo lagu doorto 3 kursi oo ka mid ah aqalka hoose, waxaana kuraastan ay yihiin kuwa kaliya ee dhanka Jubbaland ku harsan.

Ergooyinka doorashada waxay horey u doorteen 40 Kursi, waxaana markii Saddexdaan lagu daro sidaasi ku dhameystirmaya 43 kursi ee beelaha dega Jubbaland looga qoondeeyey aqalka hoose ee baarlamaanka.

Jubbaland ayaa noqon doona haddii maanta kuraastan lasoo doorto maamulkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u dhameystira xubnaha kaga soo aadey labada aqalka ee baarlamaanka.

Maamul goboleedyada kale ee dalka ayaa iyaguna sidan oo kale magaalooyinka xarumaha u ah waxaa uga socda doorashada xildhibaannada aqalka hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW