U bood dhigaalka

Jubbaland: Jadwalka Doorashada Saddex Kursi Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Jubbaland ayaa shaaciyay habraaca iyo jadwalka doorashada saddex kursi oo lagu dooranayo magaalada Kismaayo.

Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa kala HOP#023, HOP#132 iyo HOP#092 , waxaana mid kamid ah uu u xiran yahay haweenka.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay dadka reer Jubbaland xildhibaanada kala ah Cali Maxamed Muuse oo ku fadhiyay kursiga HOP#023, Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo ku fadhiyay kursiga HOP#092  iyo xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen Buulle oo ku fadhiyay kursiga HOP#132.

Kuraastaan ayaa la dooranaya maalinta Jimcada ah ee soo socota waxaana ay noqon doontaa doorashadii ugu horeysa ee sanadkaan la qabto maalin Jimca ah.