U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Soo Dhamaystirtay Kuraasta Deegaan Doorashada Koowaad

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maagalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland maanta oo Isniin ah lagu soo gabagabeeyay kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo.

Kuraasta maanta doorashadooda ay ka dhacday magaalada ayaa kala ah  HOP#133 iyo HOP#219, waxaana ku  tartamay musharixiin dhowr ah.

1: Kursiga koowaad ee HOP#133, waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Maxamed Xasan Aadan iyo Maxamuud Axamed Xasan.

Maxamed Xasan Aadan ayaa ku guulasytay kursigaan kadib markii uu tartanka ka tanaasulay musharixii la tartamayay ee Maxamuud Axamed Xasan.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka SEIT ee Jubbaland ayaa shaaciyay natiijada doorashada kursiga HOP#133 oo uu cod gacan taag ah ugu guulaystay xildhibaan Maxamed Xasan Aadan .

2: Kursiga labaad ee HOP#219, waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Roodo Carab Cabdi iyo Faadumo Cabdi Cali.

Roodo Carab Cabdi ayaa ku guulaysatay kursigaan kadib markii ay heshay 78 cod, halka musharixii la tartamayay ee Faadumo Cabdi Cali ay heshay 20 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka SEIT ee Jubbaland ayaa shaaciyay natiijada doorashada kursiga HOP#219 oo ay ku guulaysataya  Roodo Carab Cabdi.

Waxaa sidaas lagu soo gabagabeeyay doorashada kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, waxaa hadda Jubbaland ku haraya 16 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Garbahaarreey.

Goobjoog News