Ka maarmidda kaalmada iyo yareynta baahiyaha: Kaabayaasha lagu taageerayo dhisidda adkeysiga ayaa ah mudnaanta koowaad ee Soomaaliya

Waxaa jirta maahmaah ay leeyihiin Greek-gii hore oo oraneysa” Bulsho waxay hor martaa marka dadka waaweyn ay abuuraan geedo ay hubaan ineysan harsan doonin.” Geedaha caynkaas ah in badan lagama abuurin Soomaaliya 30kii sano ee lasoo dhaafay, taasi waxay keentay dad u nugul is bedelka cimilada. Tallaabooyinka ka hortagga masiibooyinka oo aan dalka ka jirin awgood, Soomaaliya waxay noqotay meel lugu xasuusto boqolaal milyan oo doolar oo gargaar bani’aadanimo ah, deeqda loo baahanyahay ayaa mararka qaar gaarta hal bilyan iyo bar gaar ahaan mararka abaartu jirto.
Soomaaliya waxay mareysaa marxalad adag, Horumar ayaa laga gaaray dhanka siyaasadda iyo maamul wanaagga, inkastoo tani ay tahay tallaabo muuqata hadana ma ahan mid isu bedeshay horumar waari kara. Weli waxaa jira baahi iyo nugeyl ummadeed oo ay keentay maqnaashiyaha mu’asasaadkii Dowladda laga soo bilaabo burburkii dalka ka dhacay 1991. Tobanaan sano oo dagaallo iyo xasillooni darro ah waxay wiiqeen awooddii dowladdu gurmad ku gaarsii lahayd dadka tabaaleysan iyo tii hayadaha gargaarku ku gurman lahaayeen.
Horumarka laga gaaray dhanka bani’aadnimada waxaa cadeyn u ah tallaabooyin la qaaday 2017dii, markii Dowladda iyo hayadaha oo is garabsanaya oo ay taageerayaan deeq bixiyeyaashu ay ka hortageen macluul laga cabsi qabay iney dhacdo, dadaalkan wuxuu noqday mid taariikh-da galay. Sanadkan, si ka duwan sidii horay loo saadaaliyay oo ahayd in roobka Gu-gu uusan u di’i dooni si fiican, laakiin arrintu waxay noqotay caksiga sidii la saadaaliyay. Daadadku waxay saameeyeen 830,000 oo qof, ku dhowaad 300,000 oo qof oo dadkaas ka mid ah ayaa ka barakacay guryahooda. Waxyeellada iyo qasaaraha ay daadadku geysteen waxay curyaamiyeen awooddii qoysas badan ay uga soo kaban lahaayeen aafooyinkii abaaraha. Colaadda daba dheeraatay waxay keentay barakac joogto ah iyo burbur ku yimid kaabayaasha nolosha. Dabargo’a xoolaha iyo burburka hantida waxaa daba dheereeyay abaaraha, cudurrada iyo nafaqa darradu waxay saameeyeen dadka. Qiyaastii 5.4 milyan oo dad ah ayaa u baahan kaalmo.
Hadda, Gargaarka in la gaarsiiyo dadka u baahan Soomaaliya gudaheeda waxay noqotay arrin aan sahlanayn, caqabddan waxaa Soomaaliya la wadaaga meelo badan oo adduunka ka tirsan. Sanadkii 2017kii deeq bixiyeyaashu waxay dhiibeen 1.3 bilyan oo doolar si looga hortago macluul, lkn 44% oo dadka Soomaaliyeed ka mid ah ma heystaan sugnaan cunto, halka dadkan barkoodna aysan awoodin iney helaan quutul yoomka. 1.5 bilyan oo doolar oo kale ayaa loo baahanyahay sanadka 2018-da si loola tacaalo baahidooda bani aadanimo. Intii u dhaxeysay 2010-2017 deeq bixiyeyaashu waxay gurmadka bani’aadanimada ku baxsheen adduun dhan 7 bilyan oo doolar. Lacagtani waxay noqoneysaa celcelis ahaan 87 milyan oo doolar sanad kasta oo ka mid ah sideedaas sano.
Waxaa marag ma doonto ah gacan furtnaanta deeq bixiyeyaashu iney badbaadisay naf badan, laakiin lacagtan badankeedu ma ahayn mid loogu talo galay in lugu xoojiyo awoodaha bulshooyinka u nugul masiibooyinka si ay u karoodaan iney dib ugu soo kabtaan si degdeg ah. Dib-u-kabashadu ma ahan fikir ku cusub gargaarka bani’aadenimo ee Soomaaliya, mar walbana waxay ku jirtay ajendaha laga soo bilaabo 2012kii. Dadaalladii ugu horreeyay wuxuu ku wajahnaa heer qoys, laakiin guulaha laga gaaray dhanka maamulka dowliga ah iyo amniga waxuu wadada u xaarayaa in la xoojiyo dadaallada dib usoo kabashada. Nasiib xumo, deeq bixiyeyaashu inta badan wax kuma bixiyaan mashaariicda dib-u-kabashada. Daraasad uu sameeyay Machadka Overseas Development Institute (ODI) waxay sheegeysaa $100 oo kasta oo lagu bixiyo ka jawaabida baahida bani’aadenimo, $0.08 oo kaliya ayaa ku baxda yareynta qataraha masiibooyinka. Waxay u egtahay, kaalmada in loogu talo galay in lugula tacaalo duruufaha bani’aadenimo ee degdegga ah, laakiin aan laga xoreynin dadka waxa keena in duruufahaas ay jiraan. Baahida bani’aadenimo ee joogtada noqotay waxay cadeyn u tahay in xaaladda bani’aadenimo ee ka jirta Soomaaliya aan lugu xallin Karin gurmad bani’aadenimo oo kaliya.
In kastoo amni darro ay weli dalka ka jirto, hadana waxaa jirta fursado lagu deji karo qorshayaal maalgashi oo waqti dheer ah iyo in sara loo qaado dib-u-kabashada iyo u adkeysiga aafooyinka ee dadka. Hadii sidan la yeelo waxay sara u qaadeysaa in dadaallada gargaarku miro dhalaan ayadoo la isticmaalayo qarashaka ugu yar ee suurtagalka ah waxayna bilow fiican u noqon kartaa barnaamijyo horumarineed oo waqti dheer ah. 2017kii, markii ay socdeen dadaalladii lagu baajinaayay macluusha, Dowlada federaalka ee Soomaaliya oo gacan ka heleysa Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Bangiga Aduunka waxay daah fureen qorshaha Resilience and Recovery Framework (RRF) si loo abuuro geedo ay harsadaan jiilasha danbe. Iskaashi ay sameeyeen Hayadaha gargaarka iyo kuwa ka shaqeeya horumarinta ayaa lugu gaaray in laga hortago macluusha 2018 iyo in la yareeyo saameynta ay reebeen daadadka. Tani waxay tusaale cad u tahay guulaha la gaari karo marka gargaarka bani’aadenimo iyo mashaariicda horumarinta lawada fuliyo.
WASH cluster-ka Soomaaliya waxay ku doodeen in si biyo dhaamin loogu sameeyo dad gaaraya 20,000 oo qof mudo hal sano ah loo baahanyahay 2.8 milyan oo doolar, dhaqaale intaan la eg ayaa lagu qodi karaa ceel riig ay biyo ka cabbayaan tiradaas in la eg oo dad ah. Ceelkuna wuxuu shaqeyn karaa muddo aan ka yareyn 15 sannadood haddii si joogto ah loo dayactiro.
Intan waxaa dheer, daraasad ay sameysay USAID waxay sheegeysaa in degdeg uga jawaabista masiibooyinka ay caymin karto lacag gaareysa 220 milyan oo doolar 15kii sanaba. Hadii lacag ku baaqatay dakhli ama xoolo aan la waayin, gurmad bani’aadenimo oo degdeg ah wuxuu baajin karaa kharash 460 milyan oo doolar oo u dhiganta 31 milyan oo doolar sanadkii. Markii masiibada si dhameystiran looga hortago ayna jiraan qasaaro dhici lahaa haddii aan laga hortegin, Barnaamijyada ku jira RRF waxaa la caymin karaayay lacag dhan 595 milyan oo doolar oo u dhiganta celcelis ah 40 milyan oo doolar sanadkii. Dhanka kale, dadaal la xiriira dhisidda dib-u-kabashada dadka, sida in la xoojiyo nidaamka beeraha dalka si loo quudiyo muwaadiniinta, waxay usoo kordhi kartaa qoyskiiba dakhli gaaraya 405 doolar sanadkii, tan waxay mar kale badbaadineysaa aduun garaaya qiyaastii 155 milyan oo doolar 15kii sano. Markii falcelinta degdegga ah iyo howlgallada la xiriira dhisidda dib-u-kabashada leysku daro waxay caymin karaan 794 milyan oo doolar oo u dhiganta celcelis ah 53 milyan oo doolar sannadkiiba.
Si kastaba ha ahaatee, deeqaha lugu bixiyay biyo dhaamin ama lugu quudiyay ilmo nafaqa darro heyso maanta looma leexin karo maalgelin kale ayadoon laga jawaabin baahidaas degdegga ah. Hadaba, dib-u-dhiska nidaamka biyaha, horumarinta beeraha, ka hortagga daadadka iyo helista xal waara oo lugu maareeyo dadka gudaha dalka ku barakacay waa in laga barbar fuliyaa gargaarka bani-aadenimada ah.
Qaab jiritaanka cimilada ee waqtigan sida abaaraha ama daadadka iyo saameynta ay ku leeyihiin xaalada bani-aadenimo, baaba’a ku yimid awooddii dib-u-kabashada iyo adkeysiga, dabargo’a xoolaha iyo burburka hantida kalaba waxay na tusayaan baahida loo qabo in la xoojiyo mashaariicda dib usoo kabashada si meesha looga saaro waxa sababay nugeylka. Markii is bedelka noocaan ah uu hirgalo luguna biciyo dhaqaale ku filan maskaxdana lugu hayo yool waqti dheer ah ayay Soomaaliya abuuri doontaa geedaha ay dadkeedu u qalmaan.

W/Q: Justin Brady, Madaxa UNOCHA ee Somalia.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW