U bood dhigaalka

Kacbada Sharafta Leh Oo Dharka Laga Bedelay Maanta

Sheeko:Caalamka

Waxaa maanta oo Isniin ah la bedelay dharka Kacbada Sharafta leh ee ku talla guda Makka al-Mukarama oo loo xiray labbis cusub, waana sida caadada ah oo maalinta 9aad ee bisha Del Xijjah ee sanad walba la sameeyo.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa baahisay muuqaal muujinaya  madaxda guud ee Xaramka iyo khubarada dharka Kacbada sameysa oo dharka ka bedelaya Kacbada.

Kharashaadka guud ee dhanka Kacbada ku baxaa waxey gaarayaan 22 milyan oo riyaal ($6 milyan oo dolar), waxaa laga sameeyay xariir dabiici ah oo midab madow lagu buufiyay.

Waxaa loo isticmaalaa 700 KG oo xariir saafiya ah oo lagu naqshadeeyay gudaha warshad gaar ah oo dharka Kacbada loo dhisay iyo 120 KG oo dabah iyo qalinka iskugu jira oo lagu xardhayo dharka.

Dharkii hore ee Kacbada laga bedelay, ayaa waxaa si toos ah ula wareegaysa xukuumadda Sucuudiga, waxaa laga dhigayaa gobollo yaryar oo hadaliyado loo siinayo mas’uuliyiinta dowladaha iyo mu’asasaadka Islaamiga ah ee si gaar ah loo maamuusayo.

Goobjoog News