U bood dhigaalka

Kadib Furitaanka Kullamada Baarlamaanka Galmudug, Akhriso Ajendayaasha Horyaalla

Sheeko:Baarlamaanka

Shalay waxaa magaalada Cadaado ka furmay kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka Galmudug, iyada oo ay hoolka joogeen illaa 39 xildhibaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo daah-furay iyo guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa ku dheeraaday in loo baahanyahay midnimo iyo wadajir ay muujiyaan madaxda iyo bulshada Galmudug.

Haddaba, Goobjoog News ayaa la xiriirtay Cadaado si ay wax uga ogaato sababta kooramka 46ka ah loo buuxin waayey, maxayse tahay Ajendayaasha horyaalla kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaan Garaad  Yusuf Maxamud  oo arrintan Goobjoog News kala hadlay ayaa sheegay inay Cadaado joogaan ilaa 49 xildhibaan balse shalay kulanka ay fadhiyeen 39 maadaama ay aheyd furitaan oo aan la tixgelin kooram, balse ay qasab tahay in maalmaha soo socota wada yimaadaan Xildhibaannada si shaqada loo guda galo.

Goobjoog News ayaa sidoo kale Xildhibaan Garaad weydiisay ajendayaasha ay tahay in ay ka hadlaan Xildhibaannada Galmudug kalfadhigan 7aad, isaga oo arrintaas ka jawaabaya waxaa uu yiri

“Waxaan dalbannay in nala horkeenno heshiiska Djibouti ee Galmudug iyo Ahlu-sunna, waxaan sidoo kale ka hadli-doonnaa hindise sharciyeedka shaqaalaha, dowladda hoose iyo miisaaniyadda Galmudug”.

Xildhibaan Garaad  Yusuf Maxamud   waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in ay isha ku hayaan dowladda federaalka ah iyaga oo ka codsaday madaxweyne ku-xigeenka in la horkeenno wixii arrimahaas Galmudug uga aadan.

Waxaa xusid mudan in baarlamaanka ku shiraya Cadaado aaney ku jirin Ahlu-sunna, oo ay ku kooban yihiin xildhibaannada Galmudugtii hore.

Goobjoog News