U bood dhigaalka

Kadib Tartanka 9 Musharrax Yaa Kusoo Baxay HOP#063 ?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baladweyne ee axarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey doorashada kursi ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee federalka Soomaaliya, kaas oo tirsigiisu yahay HOP#063, kaas oo Baarlamaankii hore ee ku fadhiyey Cabdullaahi Goodax Bare, wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya.

Kursigaan ayaa waxaa uu ahaa mid furan waxaana ku tartamay dhowr musharrax, kuwaas oo gaaray , waxaana dhacday in Cabdullahi Goodax uu kamid ahaa tiro musharraxiin ah, kuwaas oo ku ray wareega hore, waxaana u gudbay labaad musharrax ee ugu dodka badanaa Abdirizak abdullahi maclin ciid iyo Maxamed Daahir Aadan.

1. ABDULLAHI Goodax Baree Waxuu helay 10 cod.
2. Cabdi Afrax Guure waxa uu helay Waxuu helay 2 cod.
3. Cabdirisak moalim Ciid waxa uu helay 20 cod.
4. Daahir xaaji Aaden wada uu helay 32 cod
5. Ibraahim habeeb NUUR waxa uu helay 5 cod
6. Hiireey Ahmed Rooble waxa uu helay 8 cod
7. Maxamed Idle sabriye waxa uu helay 10 cod
8. Nadar Tabaax Maalin waxa ay heshay 9 cod.
9. Yoonis Khaliif xasan waxa uu helay 1 cod.
Waxaa loo baahday in la aado wareegii labaad waxaana guddigu uu sheegay in labada musharrax lagu kala saarayo codka hal dheerida ah, waxaana dhacday in wareegii labaad labada musharrax ay kala heleen Murashax Cabdirisak Ciid ayaa helay 56 cod oo ku guulaystay kursiga HOP#063,halka  Daahir xaaji Axmed uu helay 44 cod, waxaa halaabay 1 cod.
Goobjoog News