U bood dhigaalka

Kahor Fasaxa Ramadaanka: Maxaa Laga Sugayaa Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Shaqo ka joojinta uu Cabdiweli Muudeey guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka  ku sameeyay xogheyaha golaha Cabdikarin Buux, waxaa ay caddeyn u tahay in khilaafka golaha shacabka aan wax laga qaban balse uu gaaray heer sare.

Kalfadhigan  3aad ee golaha shacabka lagama bixin sadaalin fiican, Kadib hal kulan uu golahu yeeshay ayey xildhibaanno qaar mooshin ka gudbiyeen guddoomiyahe Maxamed Sheekh Cusmaan, waxaa sidoo kale jira Mooshin kale oo ka dhan ah ra’isul wasaaraha….is-qabqabsi socday (March 14-31), waxaa ugu dambeyntii laga hortagay cod-u-qaadista mooshinkii Jawaari, laakin weli lama gaarin xal-waara oo waatan xogheyihii guud ee golaha shacabka la leeyahay ma shaqeyn kartid.

Inta aanan ha hadlin shaqada degdegga ah ee hortaallo golaha shacabka ee ay tahay in ay qabtaan fasaxa Ramadaan ka hor, bal aan waxyar ka dhaho, waxyaabaha hortabinta u lahaa, baarlamaanka 10 aad ee Soomaaliya, taas oo la doonayo in ay wax ka qabtaan.

  1. Amniga iyo sidii dalka looga dhalin lahaa nabad, istaatiijiyo cad oo si wadajir ah loo ansixiyay oo leh nidaam siyaasadeed qeexaya qorshe habeysan oo lagu fulin karo istiraatiijiyad amni iyo nabadeynta dalka.
  2. Heeshiisiinta bulshada, horumarinta sarreynta sharciga, iyo hagaajinta xukunka iyo maamul dowladeedka.
  3. Qorshe cad oo baarlmaanku oo hormuud ka hayay oo ku saabsan dib u soo celinta qaxootiga ku tabaaleysan dibadda iyo xeryaha qaxooti ee dowladaha dariska ah.
  4. Wada xaajoodka Somaliland oo u baahan in baarlamaanku ay ka qeyb noqdaan guddiyada wadahadalka Somaliland oo u baahan in si dhab ah loo abaaro.
  5. in dowlad goboleedyada dalka shruuc loo sameeyo lana waafajiyo dastuurka dalka.
  6. Dhaqaalaha oo la doonayo inuu baarlamaanku kaalin ka ciyaaro shuruucda la dagaallanka musuqmaasuqa iyo la xisaabtanka hay’adaha maaliyadda iyo ansixinta miisaaniyad maangal ah oo dalku ku dhaqaaqi karo, iyo soo saarsinta shuruuc lagu dhiirigelinayo maalgashiga dibadda iyo ganacsata yaryar.
  7. Inuu baarlamaanku dhiirigeliyo siyaasadaha lagu xoojinayo adeegyada bulshada, laanta garsoorka oo loo dhameystiro shucuuda dalku u baahan yahay.
  8. Dhameystirka dastuurka oo ah tan ugu weyn, laguna caddeeyo qeybsiga kheyraadka dalka, nidaamka bixinta canshuurta qeybta dowaldda iyo tan maamul goboleedyada dalka

Sanad kadib, Qodobbadas aan soo tirinnay inta badan lama taaban, mana muuqato qaab hadda kadib wax looga qaban karo!

Sida uu u bilowday baarlamaanka 10aad, golaha shacabka waxaa ay ansixiyeen 16 qaraar iyo labo sharci, waxaan laga sugayaa sharciyada xakameynta hubka, ladagaalanka argigixisada, Istaatiitikada Soomaaliyeed, Maamulka Maaliyadda, Sharciga Petroolka, golaha mihnadlayaasha caafimaadka, sharciga saxaafadda, waxbarashada Soomaaliyeed.

Kalfadhigan 3aad oo soconaya  10-ka March-10 July 2018, shaqada laga sugayo golahu waa ka badan yahay sharciyo, waxaa ka mid ah arrinta dastuurka oo la doonayey  in wax laga qabto qeybsiga Kheyraadka, qoondeynta awoodaha dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah iyo mabaa’dida lagu maareynayo maaliyadaha, doorashooyinka oo muhiim tahay in la ogaado nooca doorasho oo lagu ogaanayo gole deegaan, baarlamaanka iyo madaxweynaha qaranka haddii la isku raaco, waxaa kale oo dhimman Jinsiyadda oo aan looga maarmin diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha

Shaqada looga fadhiyo golaha shacabka waxaa kale oo ka mid ah, hirgelinta axsaabta siyaasiga ah oo lagu saleyn-doono doorashada qof iyo cod, garsoonrka, federaaleynta dalka…kuwan iyo qaar kale, waa sharciyadii u sal-dhigi lahaa dowladnimada iyo dimoqoraadiyadda.

Arrimaha laga sugayo waxaa ka mid ah Maqaamka Muqdisho oo go’aan laga gaaro sidii ay noqon laheyd: In laga dhigo deegaan federaal ah, in ay noqoto Dowlad-goboleed iyo in loo doorto Magaallo-madax ku dhex taalla dowlad-goboleed.

Labada aqal, waxaa ay galeen sanadkii 2aad, waqtiga socdo waxaa ka daran rajada umadda ee ku aadan in baarlamaanka 10aad uu ka shaqo fiicnaado kii 9aad, waayo baarlamaankii hore is-jiid-jiid hareeyay awgeed, waa tii la isku raacay doorasho dadban halkii doorashada noqon laheyd qof iyo cod.

Goobjoog News