U bood dhigaalka

Kal-fadhiga Labaad ee Baarlamaanka oo Maanta Furmayo

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa in uu furmo kal-fadhigii labaad ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee furitaanka kal-fadhiga labaad ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka guud ee madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo lagu qabanayo furitaanka kal-fadhiga.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka, guddoomiyayaasha golaha wakiilada dowlad gobaleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa in uu jeediyo khudbaddiisa furitaanka baarlamaanka, waxaana madaxweynaha uu ka hadli doonoo ajendayaasha hortabinta u leh dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ururka alshabaab ee ka socda gobalka dalka.

Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka ayaana muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay ku maqnaayeen fasax kadib markii la xiray kal-fadhigii koowaad.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaana waqtigooda fasaxa waxa qaar kamid ah ay ku qaateen nasiino iyo damashaad ay ku tageen qaar kamid ah dalalka caalamka, halka qaar kale oo kamid ah xildhibaannada ay qayb wayn ka qaateen xoreynta deegaanada ay matalaan iyo ka qayb galka dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Goobjoog News