U bood dhigaalka

Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo si Rasmi ah Loosoo Xiray

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiye Cali Gacal ayaa xusay iney fasaxa uga faa’ideysanayaan bisha Ramadaan isla markaaana ay xubnaha la doonayaan iney guryahooda ku soomaan:

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 24.05.2016, waxaan xirnay kalfadhigii 2aad ee baarlamaanka dowald goboleedka Galmudug, kalfadhiga 3aad waxa uu inoo furmi doonaa haddii  bacda Ramadaan, sababaha fasaxa loogu soo aadiyay wakhtiganna baarlamaanka shaqaa u taalla, laakiin maadaama aan nahay dad Muslim ah bishii Ramadaanna ay nagu bilatay oo ay dhalaneyso oo aad ogtihiin iney ka harsan tahay muddo yar, in lagu soo soomo guryaha oo markii ay dhamaatana uu baarlamaanku howshiisii dib u wato”.

kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka dowald goboleedka Galmudug ayaa furmay 17 Janaayo 2016, iyadoo ay xubnaha u suuro gashay iney qabtaan howlo farabadan oo ay ka mid tahay in dastuurka wax ka bedel lagu sameeyo, xeer hoosaadkii baarlamaanka la ansixiyay  iyo in baarlamaanku la xisaabtamo xukuumadda oo wasiirro ka mid ah ay hor yimaadeen xubnaha.

Fasaxa uu maanta galay baarlamaanka Galmudug ayaa ah bil qura, iyadoo xubnaha baarlamaanka loo sheegay in bisha Ramadaan marka ay dhamaato uu baarlamaanku dib u bilaabi doono howshiisa shaqo.

Goobjoog News