Kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Furmay

Waxaa goordhow magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka furmay kalfadhiga 47aad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno ka socda maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Deni ayaa si rasmi ah u furay isaga oo ku dhiirigeliye in shaqo fiican ka qabtaan, lana shaqeeyaan xukuumadda.

Waxaana maantaa aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Garowe, waxaana inta badan xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada, iyo soo gala ama ka baxo runta uu ka qabsoomayo kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland.

Goobjoog News

Related Articles

16 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW