Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Ah Oo Si Rasmi Ah Loo Furay

Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole ayaa Madaxweyne Farmaajo uu si wadajir ah maanta u furay, iyadoo ay ka qeyb galeen ra’isul wasaarihiisa Kheye,  Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa difaacay aragtidiisa nidaamka federaalka ah isaga oo eedeeyey dad qalad ka fahmay arrinka, waxaa uu yiri “ dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa in ilaalinta Qaranimada Madaxbannaanidiisa ay saaran tahay dowladda Federaalka”.

Kalfadhiha maanta waxaa joogay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa goobta laga sheegay inuu dhammaaday khilaafkii u dhaxeeyey.

Qaar badan oo xildhibaannada labada aqal ah ayaa dibadda ku maqan, waxaana la filayaa in dhowaan la guda galo kulamo kalfadhi la rabo in lagu ansixiyo sharciyo uu ka mid ah sharciga doorashooyinka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW