Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Furmaya

Waxaa saacadaha soo aaddan lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka uu ka furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaana ka soo qeybgeli doono furritaanka kulankan madaxda ugu sareysa dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu si toos ah u furo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka ah waxaana kalfadhigan uu noqonayaa midkii ugu dambeeyay eee ay yeeshaan xildhibaanada labada aqal inta uga harsan muddo xil heyntooda.
Marka uu si toos ah u furmo kalfadhigan ayaa waxaa la filayaa in xildhibaanada qaranka ay dedejiyaan howlaha horyaala oo ay ugu horeeyaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho taas oo aan wali la ogeyn nuuca ay tahay.
27-ka bishana yaa sidoo kale waxaa baarlaamanka Soomaaliya hortegi doona guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka kuwaas oo cadeeyn doono nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta.
Goobjoog News